Gadoodkii milateriga Ivory Coast oo la soo gebagabeeyay

Ciidammada ayaa Ivory Coast oo dhan ka dhigayay jidgooyooyin Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciidammada ayaa Ivory Coast oo dhan ka dhigayay jidgooyooyin

Askartii gadooday ee dalka Ivory Coast ayaa ogolaatay heshiis dowladda ka yimid oo lagu soo afjarayo kacdoonka milateriga.

Askarta waxaa loo sheegay in islamarkiiba la siin doono in ka badan 8 kun oo doollarka Mareykanka ah, kharash kalana la siin doono dhammaadka bisha June ee foodda inagu soo haysa.

Tan iyo Jimcihii ciidammada ayaa rasaas cirka u ridayay oo wax ay jidgoogooyin dhigeen magaalooyin ku yaal dalka.

Askartan waxa ay qeyb ka yihiin ciidammadii fallaagada ee sanado u dagaalamayay sidii uu awoodda dalka u qaban lahaa Madaxweyne Alassane Ouattara ka hor inta aanan lagu dhafin milateriga qaranka Ivory Coast.

Afhayeen u hadlay ciidammada ku sugan Boake, oo lagu magacaabo Cissee, ayaa sheegay inuu dhammaaday murankii ciidammada kala dhaxeeyay dowladda.