Xafladihii 18-ka May ee Somaliland oo la joojiyay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xafladihii 18-ka May ee Somaliland oo la joojiyay

Berrito oo Khamiis ah kuna beegan 18-ka May ayaa ku beegan sanad guuradii 26-aad ee ka soo wareegtay markii jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqaday madax-bannaanida ee Somaliland ay ku dhawaaqday in ay ka go'day Soomaaliya inteeda kale.

Sanad kastaa 18-ka May, Somaliland waxaa lagu qabtaa xaflado ballaaran basle sanadkan waxaa gebi ahaanba la hakiyay xafladahaasi, iyada oo lagu badayalo qaaraan uruurin loo sameynayo dadka ku xoola beelay abaarta. Qorshaha ayaa ah in la uruuriyo ilaa toban milyan oo doolar

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid Caddaani oo shir jaraa'id ku qabtay madaxtooyada Hargeysa ayaa faafaahin ka bixiyay sababta ay u joojiyeen sanadkan dabaaldegyadii 18-ka May.

Shirkaasi jaraa'id kaddib ayuu u waramay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige.