Israa'iil: "Wax dhaawac ah ma soo gaarin calaaqaadka aan Maraykanka la leenahay"

Trump iyo Netanyahu Lahaanshaha sawirka Getty Images

Israa'iil ayaa sheegtay in calaaqaadkii ay Maraykanka la lahaayeen uusan dhaawicin arrinta sheegaysa in madaxweyne Trump uu sir xasaasi ah oo uu Israa'iil ka helay uu u gudbiyay Ruushka.

"Israa'iil kalsooni buuxda ayay ku qabtaa xiriirka xog wadaagidda ee ay la leedahay Maraykanka" sidaas waxaa yiri Ron Dermer oo ah safiirka Israa'iil ee Maraykanka.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka ayaa diidan in uu ka hadlo in ay Israa'iil ahayd ishii laga helay macluumaadkaas.

Madaxweyne Donald Trump ayaa difaacay xaqa uu u leeyahay in uu gudbin karo macluumaad xasaasi ah oo ku saabsan argagixisada.

Warbaahinta Maraykanka ayaa ku warrantay in madaxweynuhu uu gudbiyay xog uu ka helay dal ay saaxiib yihiin oo aan u fasixin in uu sii gudbiyo.

Arrintan ayaa la sheegay in ay dhacday intii uu socday kulankii uu Trump la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov oo ka dhacay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.

Inkastoo aysan sharci darro ahayn, haddana eedayntan ah in Trump uu sir bixiyay ayaa loo arkaa mid ka baxsan is aaminaaddii sir isdhaafsiga.