Shuruudaha Abaalmarinta Gabayga Da' yarta sannadka 2017 ee BBC Soomaali

BBC Somali

Halkan ka akhriso Shuruudaha Abaalmarinta Gabayga Da' yarta sannadka 2017 ee BBC Soomaali.

1. Abaalmarintan waxey u furan tahay dhammaan dumarka ku hadla Afka Soomaaliga oo da'doodu u dhaxeyso 16 ilaa iyo 35 sano jir, (laga bilaabo 17-ka May ilaa iyo 15-ka June, 2017-ka).

2.Dadka ka qeyb qalaya tartankan waa in aaney kamid ahayn shaqaalaha BBC-da, shirkadaha xiriirka la leh hey'adda, ama qaraabadooda dhaw. Waxaa laga yaabaa in loo baahan yahay cadeynta da'da, aqoonsiga iyo buuxinta shuruudaha lagama maarmaanka ah.

3. Ka qeyb galayaasha tartanka waxaa looga baahan yahay inay soo gudbiyaan gabay. Gabaygu waa inuusan ka badan 15 sadar, akhrintooduna isku celi celis ahaan waa inay ka badanin hal daqiiqo.

4. Tartanka wuxuu furmayaa Arbaco 17-ka May saacada marka ay tahay 10:00. Dhammaan ka qeybgalayaasha waa inay soo diraan gabayadooda, foomka codsiga oo la buuxiyay, kaas oo laga heli karo barta BBC-da www.bbcsomali.com, waana in codsigaasi lagu hagaajiyaa emaylka: tartanka.gabayga@bbc.co.uk.

Dhammaan codsiyadu waa in ay wehliyaan gabayga, iyo faahfaahin ku saabsan : magaca, sanadka dhalashada iyo deegaanka aad ku sugan tahay.

Lama oggola in dalabka loo soo gudbiyo qaab aan ahayn kan kor ku xisan

5. Ka qeybgalayaasha waa inay BBC-da u soo gudbiyaan magacooda oo buuxa, sanadka dhalashada, taleefoonka, email-ka iyo goobta uu markaa ku sugan yahay. BBC-da way xafidi doontaa warbixinta shaqsiga ee aad u soo gudbiso, waxaa loo isticmaali doonaa oo keliya maamulidda abaalmarinta BBC-da ee gabadha ugu gabayga fiican. Warbixinta shakhsiga ah waxaa lahayn doonaa muddo lix bilood kaddib marka la soo afjaro abaalmarinta,oo waa la baabi'in doonaa markaas kaddib, haddii uusan jirin sharci sidaas faraya. Gabayada ka qeyb-galayaasha oo aan magac lahayn ayaa loo gudbin doonaa garsoorayaal, kuwaasoo kasoo dhex xuli doona qofka guushu raacday iyo labada qof ee kuxiga. Magacyada qofka guushu raacdey iyo labada qof ee kuxiga waxaa loo soo bandhigi doonaa dadweynaha. Xogta kale ee shaqsiga sida goobta uu joogo qofka looma gudbin doono cid kale oo aan BBC ahayn. Haddii aad doonaysid inaad ka laabatid ka qeybgalka abaalmarinta ama aad dooneysid in BBC-du tirto warbixintaada shakhsiga ah, fadlan la xiriir: lynn.kariuki@bbc.co.uk

Faahfaahin dheeri ah ee ku saabsan hannaanka BBC-da ee ilaalinta xogta shakhsiga waxaad kaga bogan kartaa barta: bbc.co.uk/usingthebbc/privacy

6.Ka qeybgalayaasha waa inay codsiyadooda ugu dambeyn soo gudbiyaan 23:59 ee Khamiista 15-ka June, 2017-ka. Codsiyada lasoo gudbiyo wixii ka danbeeya waqtiga aan soo xusnay lama tixgelin doono. Codsiyada lama soo celin doono, sidaa darteed fadlan xusuusnoow inaad la hartid nuqul kamid ah gabaygaaga.

7. Ka qeybgaluhu hal mar oo keliya ayuu codsigiisa soo gudbin karaa, kuwa kale lama qiimeyn doono, oo waxaa laga soo qaadi doonaa wax kama jiraan. Codsigaada lama tixgelin doono haddii ay da'daadu ka yar tahay 16 sano , ama aad ka weyn tahay 36 sano jir. BBC-du waxay xaq u leedahay inay caddeyn dheeri ah kaa codsato haddii uu shaki yimaado.

9. Waa in gabaydu aysan ahayn kuwa gudbinaya meel kadhac/ceebeyn, anshax xumo, weerar, qarbudaad ama ereyo kale oo aan munaasab aheyn.

10.Gabayadu waa iney noqdaan kuwo munaasab u ah in laga baahiyo BBC-da. Gabayadu waa inay noqdaan kuwo qofku leeyahay oo rasmi ah, si aaney u dhicin in la baahiyo gabayo qof kale, taas oo meel ka dhac ku ah xuquuqda hal-abuurka. BBC-du ma aqbali doonto mas'uuliyadda dhibaatada ka dhalato xuquuqda lahaanshaha haddii uu ka qeyb galuhu ka dhaga adeego u hoggaansamidda shuruucda, sidoo kale BBC-du mas'uul kama noqon doonto cabasho kasta oo ka timaaddo cid kale oo la xiriita xadgudub kasta oo ay gaystaan ka qeyb-galayaasha.

11. Gabayada waxaa lagu qiimeyn doonaa shuruudahan soo socda:

  • Tayada luqadda, quruxda, akhrinta, iyo asal ahaanshaha
  • Ilaalinta xeerarka iyo dhismaha gabayga, marka la eego misaanka iyo qaafiyadda.
  • Xiisaha fariinta la gudbinayo iyo saameynteeda.

12. Gabayada waxaa lagu kala xukmin doonaa hannaankan soo socda:

  • Dhammaan gabayada waxaa dib u eegis ku sameyn doona qof ka tirsan shaqaalaha BBC-da, kaas oo magacyada ka saari doono gabayada, oo iyagoo magic la'aan ah u gudbin doona qof kale oo shaqaale ah, kaas oo oo xuli doono qoraallada buuxiya shuruudaha aasaasiga u ah gabayad (qofkan waxaa uu mari doonaa tababar ah inuusan dhinac u xaglinin)
  • Qoraallada oo magacyada laga saaray ayaa loo gudbin doonaa guddi garsoorayaal ah.
  • Guddiga garsoorayaasha ayaa xuli doona gabayga ugu wanaagsan iyo labada ku xiga.

13. Dadka guuleystay ayaa waxaa lasoo xiriiri doona ruux kamid ah hawl wadeenada barnaamijkan Abaalmarinta Gabayada ee Hablaha da'da yar ee laanta Af Soomaaliga ee BBC, ugu dambeyn Talaadada 11-ka July, 2017.

14. Abaalmarinta waxey noqoneysaa in hawada laga akhriyo gabayga gabdhaha guuleystay iyo lacag dhan 500 GBP, kaalinta koobaad, 300 GBP kaalinta labaad iyo 200 GBP kaalinta saddexaad.

15. Dadka guuleystay abaal marintooda ayaa lagu wareejin doonaa, ama waxaa loo sii marin doonaa bangiga haddii aysan immaan karin xafladda.

16. Ka qeybgalayaashu(ama cidda mas'uulka ka ah haddii uu qofku ka yaryahay 18 sano) waxay u oggolaadeen BBC-da in ay gabygoodu u adeegsato warbixinnada la xiriirta abaalmarinta oo lagu baahin karo baraha ay BBC-da maamusho.

17. BBC-du ma aqbali doonto mas'uuliyadda codsiyada soo daaha ama la waayo iyadoo ay ugu wacantahay hanaaka lagu soo gudbinayo dalabka ee emaylada. Caddeynta gudbinta farriinta ee ay soo saaraan combutarrada macnaheedu ma ahan in farriintu ay gaartay halkii loogu tala galey. BBC-da ma aqbali doonto mas'uuliyadda wax alle iyo wixii cilad farsamo, shaqeyn la'aan ama dhibaato kale, taasoo keenta in codsigii lasoo gudbiyey uu lumo ama aan si hagaagsan loo diiwaan gelin.

18. BBC-du waxey xaq u leedahay iney joojiso hab socodka abaal marinta, ama ay wax ka badasho shuruudaha, haddii loo arko iney lagama maarmaan tahay aragtidaas, ama ay soo baxaan duruufo ka baxsan awooddeeda.

19. Codsiga ka qeyb-galayaasha iyo waalidiintooda, haddii loo baahdo, wuxuu muujinayaa inay oggolaadeen inay si sharci ah uga qeyb-qaataan abaalmarintan, oo ayna aqbaleen shuruudahan abaalmarinta.

20. Xeerarkan waxaa lagu dhaqi doonaa shuruucda u dagsan England iyo Wales.

21. Illaa iyo xad, shuruucdan waxey waafaqsan yihiin xeerarka u dagsan tartamada iyo codbixinta BBC-da, taas oo aad ka daalacan kartaan: http://www.bbc.co.uk/editorialguidelines/guidelines/appendix2