BBC Soomaali waxay raadineysaa gabadha ugu gabayga fiican

BBC Lahaanshaha sawirka BBC NBH

BBC Somali waxay maanta soo bandhigeysaa tartankeedii ugu horreeyey ee abaalmarinta gabeyada ay tiriyaan gabdhaha da' yarta ah. Tartankani wuxuu u furan yahay gabdhaha da'doodu u dhaxayso 16 ilaa 35 jir iyada oo aan lagu xirayn khibrad iyo meesha ay joogaan toona.

Tartanka waxa lagu galayaa gabey Af Soomaali ah oo qofku tiriyey ama isagu curiyay. Waana inuusan ka badan 15 sadar, marka la duubana ilaa iyo hal daqiiqo. Garsoorayaal ayaa dooraya qofka guuleysta iyo labada ku xigaba, waxay eegi doonaan tayada afka iyo inuu waafaqsan yahay shuruudaha gabayada iyada oo la eegi doono miisaanka, ereyada iyo qaafiyadda. Tartanku wuu furan yahay wixii maanta laga billaabo, wuxuuna xirmayaa 15ka Juun 2017.

Fadlan, codsigaaga waxaad ku soo diri kartaa emailka ah tartanka.gabayga@bbc.co.uk.

Halkan ka akhriso faahfaahin dheeraad ah oo ku aadan qaabka iyo shuruudaha tartanka

Caroline Karobia, Tifaftiraha Laanta Soomaaliga, waxay tiri: "Waxaaan ku faraxsanahay in dadka ku xiran BBC Somali aan u soo gudbino codadkan iyo gabayadan cusub. Taariikhda haweenka Soomaaliyeed waxaa lagu yaqaanaa hal-abuurka ay ka mid yihiin doorka hoggaamineed oo ay ku leeyihiin cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka. Tartankan cusub wuxuu iftiimin doonaa dhaqanka gabayada ee haweenka Soomaaliyeed, wuxuunu siin doonaa fursad ay ku soo bandhigaan hal abuurkooda."

Gabadha ku guuleysata Tartanka Abaalmarinta Gabayga Hablaha Da'da yar ee BBC-da iyo labada gabdhood ee ku xiga waxa lagu shaacin doonaa Dabaaldegga Sanad guurada 60 aad ee Laanta Af-Soomaaliga ee BBC oo lagu qaban doono Hargeysa 18ka Julay 2017.

Sida aad uga qeybgeli karto

Ka qeybgalayaasha tartanka waxaa looga baahan yahay inay soo gudbiyaan gabay. Gabaygu waa inuusan ka badan 15 sadar, akhrintiisuna celicelis ahaan waa inuusan ka badan hal daqiiqo.

Codsiga waxaad ku soo hagaajin kartaa emailka: tartanka.gabayga@bbc.co.uk. Waa inuu ka koobnaadaa waxyaabahan soo socdo.

•Magaca

•Lambarka tilifoonkaaga

•Taariikhda dhalashada

•Halka ad ku sugan tahay

•Nuqul ka mid ah gabayga

Ka qeybgalayaasha waa inay codsiyadooda ugu dambeyn soo gudbiyaan 23:59 ee Khamiista 15-ka June, 2017-ka. Codsiyada lasoo gudbiyo wixii ka danbeeya waqtiga aan soo xusnay lama tixgelin doono. Codsiyada lama soo celin doono, sidaa darteed fadlan xusuusnoow inaad la hartid nuqul kamid ah gabaygaaga.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Abaalmarintan iyo shuruudaha halakan ka eeg: Shuruudaha Abaalmarinta Gabayga Da' yarta sannadka 2017 ee BBC Soomali