Mulkiilaha Leicester City oo gadanaya koox Belgium ka dhisan

Vichai Srivaddhanaprabha ayaa kooxda Leicester City gatay sanadkii 2010kii Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Vichai Srivaddhanaprabha ayaa kooxda Leicester City gatay sanadkii 2010kii

Mulkiileyaasha shirkadda King Power International ee leh kooxda Leicester City ayaa gaartay heshiis ay ku gadanayaan kooxda OH Leuven, sida ay sheegtay naadigan ka dhisan dalka Belgium.

Kooxdan ka dheesha koobka labaad ee ugu qiimo badan dalka Belgium ayaa ka dhisan bariga magaalada Brussels waxayse xiili ciyaareedkan ku sigatay in laga eryo koobkaas ka dib markii ay ka mid noqon gaartay kooxihii ugu liitay.

Guddiga maamula kooxdaas ayaa sheegay in ay wakhti cayiman u qabteen maalgashi lagu sameeyo kooxda, King Power-na ay noqotay shirkadda kali ah ee soo gudbisatay dalab iyo qorshaha ay kooxda ka damacsan tahay".

Guddigaasi waxay sheegeen in "kooxdu ay helayso dammaanad maaliyadeed iyo mid dhanka ciyaarta ah".

Kooxda OH Leuven ayaa xilli ciyaareedkii 2015-16 ka hartay horyaalka Belgium laakiin waxay sheegtay "in milkiileyaasha cusub ay u suuragalin doonto dhaqaale ku dhiirigaliya in ay sida ugu macquulsan ugu soo laabto horyaalka Belgium".