'Musuqmaasuqa milatariga Nigeria oo wiiqay dagaalka ka dhanka ah Boko Xaraam'

Dagaalamayaasha Boko Xaraam Lahaanshaha sawirka AFP

Hay'adda caalamiga ah ee ka shaqeysa hufnaanta ee Transparency International ayaa sheegtay in musuqmaasuqa ka dhex jira miltariga Nigeria uu wiiqay dadaalada uu dalkaasi kula dagaalamayo kooxda Boko Xaraam.

Hay'adda waxay ku eedeysay mas'uuliyiinta milatariga inay abuuraan qandaraasyo been abuur ah oo ay xadaan lacagihii loogu talagalay in qalab loogu iibiyo milatariga.

Waxay sheegtay in taasi ay horseeday in ciidammada dagaalka kula jira Boko Xaraam ay noqdaan kuwa aan haysan qalabkii iyo tababarkii loo baahnaa.

Afhayeen u hadlay milatariga Nigeria, John Enenche, ayaa sheegay in eedaymahaasi aysan ku socnin madaxda milatariga ee hadda xilka haysa.

Waxa uu sheegay in la qaaday tallaabooyin sare loogu qaadayo mooraalka iyo tababarka ciidammada Nigeria.

Milatariga Nigeria iyo dalal ka tirsan galbeedka Afrika ayaa wada olole milatari oo ka dhan ah kooxda Boko Xaraam.

Kooxdaas oo ololaheeda ka billowday waqooyiga Nigeria ayaa ku fiday qeyba ka mid ah dalalka galbeedka Afrika.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan