Xubinta Doodda ee barnaamijka Dunida & Maanta
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xubinta Doodda ee barnaamijka Dunida & Maanta

Gabar ka tirsan qoyska reer Boqor ee dalka Jaban ayaa kala dooratay guur iyo mansab boqortooyada ka dib markii ay sheegtay inay ka tanaasulayso darajada Amiirad ayna doorbiday inay guursato nin caadi ah taasi oo ay ku waynayso maamuuska Boqortooyo ee ay leedahay.

Haddaba sheekadan xiisaha leh ayaan waxaan dood ahaan dhexdhignay dhagaystayaasha BBC ee Facebook-ga, waxaana doodda ka qayb galaya Maxamed Nuur oo jooga Denmark, Cabdi Geesi oo jooga Boorame, Xamda Sheekh Xasan oo joogta Gibiley iyo Cabdiqani Carabey oo jooga Dhagaxyacade Gobolka Mudug, waxaana dooda u qaybinaya Mowliid Xaaji Cabdi.