Somaliland: Waxaan rajeynaynaa in dib loo billaabo wadahadalladii
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland: Waxaan rajeynaynaa in dib loo billaabo wadahadalladii

Wasiirka arrimaha dibedda ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire ayaa BBC-da u sheegay in rajeynayo in dib loo billaabo wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya.

Wuxuu ku sugan yahayn magaalada London oo uu uga qeybgalayo shir ku saabsan arrimaha Somaliland.

Iyadoo maanta ay 26 sano ka soo wareegtay tan iyo markii ay Soomaaliland iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ayaa Farxaan Maxamed Jimcaale waxa uu marka hore weydiiyay wasiirka halka uu marayo dadaalkoodii aqoonsi raadiska.