Madaxweynaha Faransiiska oo booqanaya ciidanka ka jooga Mali

Macron Lahaanshaha sawirka EPA

Madaxweynaha cusub ee dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa maanta oo jimce ah booqday ciidammadiisa jooga dalka Mali.

Booqashadan ayaa ah tii ugu horreysay oo uu Macron ku yimaado qaaradda Afrika tan iyo markii xilkaasi loo doortay kal hore bishan.

Madaxweynaha ayaa booqanaya ciidamada Faransiiska oo la dagaalamaya kooxaha jihaadiga ee waqooyiga dalkaasi Mali tan iyo 2013-kii.

Balse Macroon ayaa sidoo kale ka hadlay in bog cusub loo furo xiriirka Faransiiska iyo waddamada Africa, lagana tago dhaqanka loo arkayay gumeysiga casriyaysan, kaasi oo dalal badan oo Afrikaan ah ay ka cawdeen.

Hadalkan ayaa ah mid ay fududahay in afka laga sheego balse ay adag tahay in la dhaqangeliyo.

Madaxweynaha ayaa waxa uu ku tagi doona safar kale waddanka Mali, kaasi oo aan ku ekaan doonin oo keliya qiimeynta ciidammada Faransiiska ee ku sugan Mali, iyo wadahadallada ku saabsan amniga gobolka, si loo badalo calaaqaadka Faransiisku la leeyahay waddamada uu horey u gemeysan jiray sida Mali.

Lahaanshaha sawirka Reuters