Trump oo Sucuudiga uga qaybgalaya kulanka Mareykanka iyo Muslimiinta
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Trump oo Sucuudiga uga qaybgalaya kulanka Mareykanka iyo Muslimiinta

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta gelinka dambe u ambabaxaya dalka Sucuudi Carabiya oo uu uga qaybgalayo shirka Mareykanka iyo Muslimiinta ee berri oo sabti ah ka furmi doono Sucuudiga.

Inta uu booqashada ku joogo dalka Sucuudiga ayaa Trump waxaa laga yaabaa in uu la kulmo madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir oo isagana lagu marti qaaday shirkaasi.

Booqashada Trump ayaa ah tii ugu horreysay ee uu ku tago dal Muslin ah tan iyo markii uu xilka qabtay, waxa uuna hoggaamiyeyaasha Khaliijka kala hadli doonaa arrimaha ganacsiga iyo ammaanka gobolka.

Haddaba maxay tahay ahmiyadda booqashada Trump ee dalka Sucuudiga iyo arrimaha looga hadli doono shirkaasi Mareykanka iyo Muslimiinta, su'aashaasi iyo kuwo kale ayuu weriyaha BBC-da Bashiir Maxamed Caato hor-dhigay Dr Maxamuud Rage oo ka faalooda arrimaha carabta iyo dunida Islaamka.