Cuduro ka dhashay roobab ka da'ay Soomaaliya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cuduro ka dhashay roobab ka da'ay Soomaaliya

Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Puntland ee loo soo gaabiyo HADMA ayaa ka digtay in loo baahan yahay in gacan la siiyo dadka ku barakacay gudaha Puntland ee abaarta ku xoolo-beelay, haddii kalase ay dhibaato wajihi karaan.

Inta badan dadkaasi ayaa diyaar u ah inay dib ugu laabtaan deegaanadii ay markii hore ka soo barakaceen, maadaama uu roob dhulkii ka da'ay.

Hay'adda HADMA ayaa sheegtay in ku dhawaad 32,000 oo qoys ay gudaha Puntland ku soo barakaceen, loona baahan yahay in dadkaasi loo sameeyo xoolo-goyn inta aanay deegandoodii ku laaban.

Haddaba umuurtan ayaa waxaannu ka wareysannay, Maareeyaha Hay`adda Maareynta Musiibooyinka Puntland, Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed, oo u warramay, Faadumo Macallin Abuukar.