Muxuu Madaxweyne Trump ku doortay in booqashadiisi ugu horesay uu ku tago bariga dhexe?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muxuu Madaxweyne Trump ku doortay in booqashadiisi ugu horesay uu ku tago bariga dhexe?

Madaxweynaha Mareykanka oo booqashadiisii ugu horreysay tan iyo markii uu xilka qabtay ay uga bilaabantay waddanka Sucuudiga, ayaa kulamada uu la yeeshay Boqorka dalkaasi Salmaan bin Cabdulcasiiz waxa ay uga wadahadleen sidii looga guulaysan lahaa kooxaha argagixisada loona baabi'in lahaa fikradaha xagjirka ah.

Dhanka kale Trump waxa uu la kulmi doonaa madaxda Khaliija.

Sidoo kalana waxa uu shir la yeelan doonaa madaxda dalalka Carabta iyo Muslimiinta.

Haddaba waxyaabaha shirarkaa looga hadlayo ayaa waxaannu ka wareysannay Dr Axmed Sheekh Maxamed (Axmed Tiir) oo ka faalooda arrimaha dunida Islaamka, waxa uu khadka taleefanka ugu warramay weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo marka hore waydiiyay, waxa uu Trump ku doortay in safarkiisii ugu horreeyay uu ku tago bariga dhexe.