Xuska maalinta dhaqamada kala duwan ee adduunka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xuska maalinta dhaqamada kala duwan ee adduunka

Waxaa maanta dunida laga xusayaa maalinta dhaqannada kala duwan ee adduunka. Xuskan maanta ayaa ku soo beegmaya iyadoo meelo badan oo caalamka ah ay ka jiraan colaado ku salaysan kala duwanaanshaha dhaqannada iyo diimuhu, sababtana waxa la sheegay in ay qayb ka tahay is faham la'aan dhex taal dadka kala dhaqannada iyo diimaha ah.

Hadaba in la xuso maalintani gacan ma ka geysan kartaa in dhaqannada kala duwan iyo dadkoodu isku soo dhawaadaan?

Su'aashaas iyo kuwa kale ayaannu waydiinnay, fannaadda wayn ee Sahra Axmed Maxamed (Sahra Halgan) oo u warrantay weriyaha BBC-da, Axmednagaashe, oo ugu horrayn waydiiyey dhaqannada kala duwani qayb ma ka yihiin is faham la'aanta dunida ka jirta?