Soddon qof oo ku dhimatay dalka Libya

Dagaalka Libya Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dagaalka Libya

Wararka ka imaanaaya dalka Liibiya ayaa sheegaya in ciidammada sheegta inay yihin kuwa qaranka oo tageera maamulka fadhigiisu yahay magaalada bariga ku taalla ee Tobruk ay duqaymo dhanka cirka ah ku qaadeen ciidammo ay iska soo horjeedaan oo taabacsan dowladda caalamku aqoonsanyahay ee fadhigeedu yahay magaalada Tripoli.

Toddobo weerar oo dhanka cirka ah ayaa lagu warramayaa in ay ku bartilmaameedsadeen magaalooyinka Hun iyo Jafra ee Koonfurta Libya habeennimadii Sabtida, iyagoo aargudasho uga dhigayay weerar lagu qaaday saldhig ay kooxdaasi leedahay maalintii Khamista.

Goobjoogayaal ayaa hay'adda xuquuqda adaanaha u dhaqdhaqaaqda ee Human Rights Watch u sheegay in ugu yaraan 30kii qof ee ku dhimatay saldhigyadaasi ay rasaas madax uga taalay, tiro ka mid ah meydadkana ay hubaysnaayeen.

Weerarkan ayaa ayaa ka dhan ah heshiiskii nabadeed ee labada dhinac ay gaareen horantii bishan.