Booliiska Brazil oo fuliyay hawlgal wayn oo ka dhan ah daroogada

Xukuumaddu waxay sheegtay in ay xiri doonto hoteello riqiis ah oo aagaas ku yaala oo ay adeegsadaan dadka daroogada la qabatimay Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Xukuumaddu waxay sheegtay in ay xiri doonto hoteello riqiis ah oo aagaas ku yaala oo ay adeegsadaan dadka daroogada la qabatimay

Booliiska dalka Brazil ayaa xiray ku dhawaad 40 ruux oo lala xiriiriyay dambiyo la xiriira ka ganacsi daroogo, kuwaas oo ku sugnaa bartamaha magaalada Sao Paulo oo muddo sannado ah si xor loogu gadi jiray looguna isticmaali jiray daroogada loo yaqaanno cocaine.

Booliis tiradooda lagu qiyaasay 500 ayaa ka qaybqaatay hawlgalkaas.

Tobannaan ka mid ah dadka la qabatimay adeegsiga dawadaas ayaa si carol eh uga jawaabay go'aankaas iyagoo boob u gaystay dukaamo burburiyayna gawaari.

Duqa magaalada Sao Paulo, Joao Doria ayaa sheegay in hawlgalkani uu soo afjaray isla xisaabtan la'aantii ka jirtay aagaas oo ay dad badani u yaqaannaan Cracolandia ama Crackland.

Dadka arrintan dhaliishanse waxay sheegayaan in tallaabadani ay dhibaatada u wareejin doonto qaybaha kale ee magaalada.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dad ka carooday hawlgalkan booliiska ayaa rabshado sameeyay
Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Booliiska ayaa burburiyay dukaamo lagu gadi jiray daroogada sharcidarrada ah

Duqa magaalada ayaa ballanqaaday in uu wax ka qaban doono arrintan, isaga oo shaaciyay in aagaas la suri doono kaameerooyinka ammaanka ee CCTV loo yaqaanno.

Laakiin mardambe oo uu shir jaraa'id qabtay ayuu qirtay in ay adkaan doonto in la soo afjaro dhibaato soo jireen ahayd.

Booliis ayaa si joogto ah uga hawlgali doona dhibaataduna way yaraan doontaa ayuu sii raaciyay.

Gafarnatooraha Sao Paulo, Geraldo Alckmin ayaa sheegay in gobolkiisa laga sameeyay 3,000 oo goobood oo lagu caawiyo dadka la qabatimay daroogada ee raba in ay ku soo laabtaan noloshii caadiga ahayd.