Tooshkii ugu jabnaa ee ku shaqeeya tamarta cadceeda oo loo sameeyay Afrika

Toojka ku shaqeeya tamarta cadceeda Lahaanshaha sawirka INVENTID
Image caption Toojka ku shaqeeya tamarta cadceeda

Shirkad naqshadaha sameysa ayaa shirkad weyn oo Shiinuhu leeyahay kala shaqeysay si ay u sameeyaan tooshkii ugu jabnaa ee lagu isticmaali karo tamarta cadceeda.

Shirkadan oo ku taala magaalada Manchester ayaa hindistey tooshka SM100- oo ku shaqeeya tamarta cadceeda, toojkan ayaa wadamada Afrika lagaga iibiyaa $5 (£3.85).

Waxay iska kaashadeen arrintani Shirkada China Yingli iyo hay'ada gargaarka ee Solar Aid.

Tooshkan oo gacanta lagu qaadan karo ayaa marka la buuxiyo shaqeeya 8 saacadood. Marka laga reebo lugaha uu isku taago, waxa kale oo toojkani leeyahay suun lagu xidhan karo baaskeeladaha ama madaxa foodiisa.

Toojka SM100 waxa lagu tijaabiyey 9000 oo qoys wadamada Malawi, Uganda iyo Zambia. Waxaana ila aiyo ahdda lagu iibiuyaa suuqyada dalalkaasi.

Faynuusyada ku shaqeeya saliida Kerosene ayaa nal u ah ilaa 600 oo milyan oo oqf oo ku nool Afrika oo aan lahayn nal. Waa qaali in la shito faynuusyada markastana waxa jirta khatarta in ay guriga gubaan.

'Hadafka'

Henry James oo wax ka hindisey toojkan ayaa sheegey "Isticmaalka saliida Kerosene ee la shito, waxay ka dhigtey dad badan sabool iyada oo ay saddex qaybood marka laga dhigo dhaqaalaha soo gala bishii ay qayb ahaan ku iibsadaan saliidaas.

Si aanu dadkaas uga caawino faqrigaas waxa aanu kala shaqayney Hay'adda Solar Aid oo ah shirkada ugu horeysa gargaarka isticmaalka tamarta cadceeda in aanu naqshadeyno nal ay isticmaali karaan dadka saboolka ahi. Taas macnaheedu waxa weeye in aanu sameyno nal lagu iibsan karo $5 Afrika.''

Mr James iyo Bryn Morgan ayaa sannadkii 2012ka , kala shaqeeyey hay'adaha gargaarka toojkan.

Lahaanshaha sawirka INVENTID
Image caption Toojka ku Shaqeeya Tamarta Cadceeda

"Waxaanu wax ka ogaaney qaab nololeedka qoyska iyo xaalada deegaanka, waxaanu dhegeysaney hadafkooda iyo fikradaha dadka , tan ayaanu kala baxney muunada iyo qaabka aanu u sameyney, markaas waxa qayb ka ah sameynta toojkan Afrika, ," ayuu yidhi Mr James.

"Waxaanu ka hadleynaa qaybo dunida ay dadku sannadkii ku nool yihiin $350.

"Wali maanu arag wax la iibinayo oo la tijaabinayo oo heerkan gaadha. Waa in uu sax ahaadaa haddii ay dadku u isticmaalayaan toojkan nolol maalmoodkooda. "

Bilowgii sannadkan toojka SM100 waxa uu ku guuleystey Abaal Marinta Naqshadeynta Yurub iyada oo lagu siiyey qaabka loo nashqadeeyey iyo mudada la isticmaali karo.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan