UK: Gabadh Soomaali ah oo uur leh oo in ay xijaaban tahay loo jirdilay

Ninka gabadha uurka leh laadka la dhacay Lahaanshaha sawirka THAMES VALLEY POLICE
Image caption Ninka gabadha uurka leh laadka la dhacay

David Gallacher oo 37 jir ah ayaa bishii Agost ee sannadkii hore weeraray gabar Soomaaliyeed oo la yiraahdo Samsam Xaji Cali oo ku sugnaa degmada Bletchley oo ku taala dalka Britain.

Ninka weeraraka geystay ayaa qirtay in uu geystey jir dil iyo aflagaado.

Xaakimka xukumay David waxaa uu ku tilmaamey in uu ninkani uu yahay "Cunsuri Xun".

Maxkamadda Aylesbury ayaa dhageysatey dacwada ka dhanka ah ninkani, waxaana la sheegay in uu aflagaadeeyay gabadha oo uu ku yiri "dharkaaga khariban ayaad halkan la timid."

Seyga marwo Samsam oo lagu magacaaabo Cabdullahi Suleemaan oo isku dayay in uu dejiyo xaaladda ayaa waxaa madaxa dhalo khamri ah ikaga dhuftay David Gallacher, waxaana uu sidoo kale beerka ka laaday Samsam oo uur laheyd.

Xaakimka oo lagu magacaabo Francis Sheridan oo dhageystay kiiskan aya waxaa loo sheegay in Samsam ay u sheegtey David Gallacher in ay uur leedahay, balse waa uu iska indha tiray, laadkii ayuuna kusii waday, waxaana uu ka tagay iyada oo dhulka garguuraneysa, kaddib waxay dareentey dhiig ka yimid kahor inta aaney dareemin in ilmihii uu ka soo dhacay oo ay dilantay.

Image caption Samsam Xaaji Cali waxa uu ku weerarey dukaankan hortiisa

Xaakim Sheridan waxaa kale oo uu sheegey in uu ilmuhu caafimaad qabay kahor inta aanan la weerarin hooyadiis, waxaana uu intaa ku daray in laadka lagu dhuftay gabadha ay sabab tahay in uu ilmaha uu ka soo dhaca hooyada.

"Eedeysanahani waa cunsuri, luuqada uu isticmaalayeyna waxay ahayd cunsurinimo," waxaa sidaasi yiri xaakimka.

Waxaana uu u sheegay in dembiga geystay in la gaaray "xilligii aad baran laheyd cunsurinimada iyo dhaqanka xun inay yihiin waxyaabo laga soo gudbey".

Image caption Weerarka kadib, dibad bax ayaa la sameeyey lagu taageerayo gabadha la weerarey

Garsoorihii maxkamada ayaa David Gallacher ku xukumay xabsi dhan seddex sanno iyo toddoba bilood.