Dad ku edeesan afgambigii dhicisoobay ee Turkiga oo ay dacwadi uga billaabatay Ankara

Dadkii lagu edeeyay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dadkii lagu edeeyay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga

Dawladda Turkiga ayaa saf soo galisay dad looga shakisan yahay in ay ku luglahaayeen afgambigii dhicisoobay si ay dacwadi uga billaabato meel u dhaw magaalada Ankara.

Dadkan oo tiradoodu tahay 221 intooda badan waaa saraakiil sarsare oo milatari oo ku eedaysan in ay isku dayeen in xilka ka tuuraan madaxweyne Recep Tayyip Erdogan bishii todobaad ee sanadkii hore.

Akin Ozturk oo ahaa taliyihii ciidammada cirka ayaa hor kacayay saf dheer oo ay ku jireen eedaysanayaashu.

Waxaa jira baaqyo la soo jeediyay oo ku aadan in lagu xukumo dil toogasho ah, inkasoo dastuurka dalka Turkigu uusan ogolayn sharcigaas.

Hawlgal arrintaas la xiriirana waxaa lagu soo qabtay labo macallin oo cuntada ka soo may iyaga oo mudaaharaadaya.

Nuriye Gulmen iyo Semih Ozakca ayaa xiritaankoodu amin hbeennimo ah ku soo qoray barta ay bulshadu ku xiriirto ee Twitter-ka. Waxay ka mid yihiin in kabadan 100,000 oo shaqaale dawladeed ah shaqada laga tiray wixii ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee milatarigu qaadeen bishii todobaad ee sanadkii hore ee 2016kii.