Donald Trump iyo Maxamuud Cabbaas oo kulmay

Trump iyo Cabbaas Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Trump iyo Cabbaas

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa la kulmay hogaamiyaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas, isaga oo ku jira maalintii u dambaysay ee booqashadiisa bariga dhexe.

Falastiiniyiinta iyo Israa'iil ayaan wadahadal toos ah yeelanin in kabadan saddex sano, Trump ayaana sheegay in loo sheegay in arrintani ay tahay mid ka mid ah "xaaladaha aadka u adag".

Balse wuxuu intaas ku daray in uu qabo 'in ay xaqiiqo ahaan uga miro dhalin doonaan.

Wuxuu intaas ku daray in kulanka uu Cabaas kula qaatay Bayt Laxam uu rajaynayo in uu noqdo mid faa'iido leh oo miro dhala.

Falastiiniyiin Caraysan ayaa mudaaharaadyo ay Trump kaga soo horjeedan ka dhigay Daanta Galbeed iyo Marinka Qaza.

Isniintii ayuu Trump carrabka ku adkeeyay in calaaqaad xoog badan ay leeyihiin Maraykanka iyo Israa'iil.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dad Falastiiniyiin ah oo ku mudaaharaadaya marinka Qaza
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dad mudaaharaadaya oo diidan booqashada Trump ee daanta galbeed ayaa dhagaxaan tuuray

Sidoo kale wuxuu ka digay halista ka soo foolleh Iiraan ee ku wajahan beesha caalamka, arrintaas oo uu horanayna uga soo dhawaajiyay intii uu ku sugnaa Sacuudi Carabiya.

Trump ayaa Ra'iisal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu u sheegay in Iiraan aysan waligeed yeelan doonin hub nukliyeer ah.

Booqashadan labada maalmood ah ee uu ku marayo Israa'iil iyo dhulka Falastiiniyiinta ayaa qayb ka ah safarkiisii u horreeyay ee Trump uu ku tago dalka dibaddiisa.