Trump oo magacaabay nin wakiil uga noqda baaritaanka Ruushka

Marc Kasowitz Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Marc Kasowitz

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa Marc Kasowitz u magacaabay in uu waakil uga noqdo baaritaannada lagu hayo in Ruushku uu isku dayay in uu saamayn ku yeesho doorashadii madaxweynenimada Maraykanka iyo in kooxdii ol'olaaha Trumo ay wax calaaqaad ah yeesheen Ruushka, sida ay ku warramayso warbaahinta Maraykanku.

Trump ayaa muddo toban sano ka badan isticmaali jiray adeegyada garyaqaankan reer New York.

Todobaadkii hore ayaa Robert Mueller oo horay u soo hogaamiyay hay'adda dambibaarista Maraykanka ee FBI loo magacaabay in uu noqdo dacwad ooge madax bannaan oo hogaamiya baaritaannada ay waddo waaxda caddaaladda ee Maraykanku.

Madaxweyne Trump ayaa diiday in wax xiriir ah uu dhexmaray ol'olihiisii doorashada iyo dawladda Ruushka.

Si kastaba ha ahaatee hay'addaha sirdoonka Maraykanka ayaa rumaysan in Ruushku uu isku dayay in uu saamayn ku yeesho doorashada madaxtinimada Maraykanka si uu Trump ugu guulaysto.

Kasowitz iyo Aqalka Cad ee looga arrimyo dalka Maraykanka midkoodna bulshada lama wadaagin warkan ku saabsan magacaabiddan.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Maxay ka dhigantahay baaritaanka lagu hayo madaxweyne Trump