'Ninkii weeraray Manchester in uusan kaligii ahayn bay u badan tahay'

Booliiska ayaa sheegay in Salman Abedi uu ahaa ninka qarxiyay Manchester Lahaanshaha sawirka .
Image caption Booliiska ayaa sheegay in Salman Abedi uu ahaa ninka qarxiyay Manchester

Ninka gaystay weerarkii Manchester waxay u "badan tahay" in uusan kaligii soo maleegin weerarka, sida ay sheegtay wasiirka arrimaha gudaha ee Britain Amber Rudd.

Salman Abedi ayaa dilay 22 ruux dhaawacayna 64 kale ka dib markii uu isku qarxiyay goob wayn oo ku taala Manchester oo lagu hayay bandhig faneed habeenkii Isniinta - labaatan ruux oo ka mid ah dadka ku dhaawacmay qaraxa ayay xaaladdooda caafimaad aad u liidataa lana dabiibayaa.

Heerka feejignaanta ee Britain ayaa la gaarsiiyay meeshii u saraysay, taas oo ka dhigan in ay macquultahay in weerarro kale qarka soo saaran yihiin

Dowlada Britain ayaa sheegtay in ciidamada milateriga ay ka qeyb qaadan doonaan ilaalinta goobaha muhiimka ah ee dalkaasi kaddib weerarkii Manchester.

Arrintani oo ah mid dhif iyo naadir ayaa waxaa ku dhawaaqday ra'iisul wasaarah dalka ingiriiska Theresa May oo sidoo kale sheegtay in sare loo qaaday heerka feejignaanta ee Britain kaddib markii qiimeyn rasmi ah lagu sameeyay khatarta dalka ka soo wajaheyso argagixisada, taasi oo ka dhigan in weeraro horleh ay dalka ka dhici karaan.

Jahwareer ka dhashay weerarka Manchester

Image caption Theresa May
Image caption Ciidamada ammaanka ee Britain
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dareewal Soomaali ah oo u dhowaa Goobta qaraxu ka dhacay

May waxay intaa ku dartay suurta galnimada ah in ninka weerarka geystay ay ku wehliyaan shaqsiyaad kale.

Weerarkan oo ka dhacay magaalada Manchester ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 22 qof, waxaana sidookale ku dhaawacmay dad ka badan 50 qof.

Sida ay shegeen booliska, weerarkani ayaa waxaa geystay Salmaan Abedi oo 22 sano jir ahaa.

BBC-du waxay fahansan tahay inuu ku dhashay Manchester asal ahaana uu ka soo jeeda Liibiya.

Abedi, iyo seddax carruur oo la dhalatay ayaa waxay marar kala duwan degeen xaafado ku yaalla Manchester oo mid ka mid ah boolisku ay baareen.

Qaar ka mid ah dadkii ku dhintay weerarkaasi ayaa la shaaciyay magacyadooda. 16 ka mid ah waxaa la sheegay inay ahaayeen carruur.

Lahaanshaha sawirka FACEBOOK
Image caption Saffie Roussos iyo Georgina Callande oo kamid ah caruurtii halka ku dhimatay
Lahaanshaha sawirka FACEBOOK
Image caption John Atkinson, 28 jir kamid ahaa dadkii weerarka ku dhintay

Siday ku dhacday in sirdoonka UK ay baajin waayeen weerarkii Manchester?

Sawirro: Saameeyntii uu reebay weerarka Manchester

Booliska oo shaaciyay magaca qofkii ka dambeeyay weerarkii Manchester

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay maqleen dhawaq xooggan markii ay dhamaadeen heeso ay goobtaasi si toos ah uga qaadeysay Ariana Grande, oo ah fanaanad caan ah oo u dhalatay dalka Mareykanka.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay inay maqleen qarax ka dhacay albaabka hore ee laga galo goobta uu bandhig faneedku ka socday.

Boosteejada tareennada Manchester Victoria oo u dhaw goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la xiray, waxaana la baajiyay dhammaan safaradii tareenada ee qorsheysnaa.

Booliska ayaa wali hawlgal ka wada magaalada Manchester.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan