Ugu yaraan 21 ruux oo ku dhimatay shil ka dhacay Hindiya

Uttarakhand waxay caan ku tahay dalxiiseyaasha Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Uttarakhand waxay caan ku tahay dalxiiseyaasha

Ugu yaraan 21 ruux ayaa ku dhimatay dalka Hindiya 7 kale ayaana ku dhaawacan tay ka dib markii uu dhacay baskii ay ku safrayeen oo marayay gobolka Uttarakhand.

Shilkan ayaa ka dhacay magaalada Dharasu fiidnimadii Talaadada, ka dib markii uu darawalku xakamayn waayay gaariga.

Masuulka ugu sareeya ee gobolkaas Trivendra Rawat, ayaa sheegay in dadka dhaawaca ah lagu dabiibayo xabsi ku yaalla Isbitaal deegaankaas ku yaalla.

Gobolkan ayaa caan ku ah dalxiiseyaal diimeed, sannad kastana boqollaal, dadkan hadda shilka galayna waxay u socdeen in ay soo gutaan xajkooda.

Sarkaal sare ayaa BBC-da u sheegay in 17 mayd laga soo saaray wabiga mara meesha uu shilku ka dhacay.

"Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa isku deyeya in ay helaan maydadka kale" ayuu sii raaciyay intaas.

Masuulka ugu sareeya gobolka Singh Chouhan ayaa Twitterka ku soo qoray in warkani uu yahay "mid xannuun badan"

Wuxuu ku dhawaaqay qorshe uu 200,000 oo rubii ama 3,082 doolar ku siinayo qoysaska ay ka baxeen 21 kaas ruux.