Carruurta uu hayo xanuunka Autism-ka oo Muqdisho looga furay xarun lagu xannaaneeyo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Carruurta uu hayo xanuunka Autism-ka oo Muqdisho looga furay xarun lagu xannaaneeyo

Carruurta uu hayo xanuunka Autism-ka oo aan horey in badan looga aqoon Soomaaliya, ayaa markii ugu horeysay waxa ay heleen xarun lagu xannaaneeyo, waxna lagu baro.

Gabdho dhakhaatiira oo dibadaha wax ku soo bartay ayaa markii ugu horreysay Muqdisho ka hirgaliayay xarun lagu magacaabo Mustaqbal oo isugu jirta xannaanaynta caruurta caadiga ah iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamed Aaden oo booqday xaruntaasi ayaa warbixintan ka soo diray.