Dubai oo hawlgelisay qalab qabanaya shaqada booliska

Askeri mashiin laga sameeyay Lahaanshaha sawirka DUBAI MEDIA OFFICE
Image caption Askerigan mashiinka laga sameeyay ayaa waardiyeen doono goobaha dalxiiska

Bioliiska Dubai ayaa soo bandhigay markii ugu horreysay askeri mashiin ah (robot) oo ka hawlgali doona xarummaha muhiimka ah ee magaalada.

Dadka ayaa qalabkan u adeegsan doono inay u gudbiyaan wararka la xiriira dambiyada. Waxaa kale oo ay u adeegsan doonaan inay ku bixiyaan lacagaha ganaaxa ah iyagoo gujin doono dhalo xabadka ugu xiran askerigan mashiinka ah.

Macluumaadka uu helo wuxuu la wadaagi doonaa boliiska waddooyinka.

Dowladdu waxay leedahay boqolkiiba 25 hawsha ay booliska qabtaan ayay mashiinnadan ku wareegi doontaa marka la gaaro sannadka 2030-ka.

Japan oo dhisaysa kombuterkii ugu waynaa adduunka

Shiinaha oo soo bandhigay diyaarad casri ah

"Ujeedada ma ahan inaan mashiino ku badalno askarta," ayuu yiri Khaalid Al Razooqi, oo ka tirsan booliska Dubai.

"Iyadoo tirada dadka ku nool Dubai ay sii kordheyso, waxaan qorsheynaynaa in saraakiisha booliska aan awoodooda isugu gayno sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka magaalada'', ayuu raaciyay Khaalid.