Hoggaamiyeyaasha G-7 oo loogu baaqay midnimo

G7 Lahaanshaha sawirka AFP

Madaxa golaha reer Yurub, Donald Tusk ayaa waddamada toddobada ah ee horumarka ka gaaray dhanka wershadaha ee G-7 ugu baaqay in ay u midoobaan sidii wax looga qaban lahaa xasaaradda ka taagan caalamka ee sida mashaakilka Suuriya, Ukraine iyo muhaajiriinta.

Donald Tusk ayaa hadalkan jeediyay ka hor inta uusan furmin shirka waddamda qaniga ah ee G-7 ee ka dhacaya dalka Talyaaniga, waxa uuna sidoo kael carabka ku dhiftay sida madaxda waddamadani ay ugu kala aragti duwan yihiin arrimaha ganacsiga iyo isbadalka cimilada.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo isna shirkaasi ka qaybgalaya ayaa la saadaalinayaa in uu la kulmo mucaaradad badan sababo la xiriira siyaasaddiisa xaddidan ee dhanka ganacsiga iyo shakiga uu ka muujiyay heshiiskii Paris ee isbadalka cimilada adduunka ee sanadkii 2015-kii.

Hoggaamiyeyaasha waddamadani ayaa la filayaa in ay go'aanno ka soo saaraan sidii wax looga qaban lahaa afkaarta xagjirnimada kaddib weerarkii dhawaan ka dhacay Manchester.