Kenya oo xariga ka jartay tareenkii ugu horreeyay muddo qarni ah

Celebrating launch of new railway Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dhismaha khadka tareenka waxaa maalgelisay dowladda Shiinaha.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray tareen casri ah oo uu ku baxay kharash ka badan saddex bilyan oo doolar.

Lacagahaasi ayaa inta badan laga soo ammaahday dalka Shiinaha, waxaana mustaqbalka la rajeynayaa in tareenkani uu isku xiro waddamada bariga Afrika.

Tareenka ayaa saaka ka soo dhaqaaqay magaalada Mombassa, waxaana rakaabka saaran ka mid ah madaxweyne Uhuru Kenyatta. Wuxuu ku socdaa magaalada Nairobi.

Itoobiya iyo Djibouti oo furay tareen isku xiraya labada waddan

Dhaqaalaha Shiinaha oo sidii la filayay si ka fiican u kobcay

Waa mashruucii ugu ballaarnaa oo ay dowladda Kenya hirgelisa tan iyo markii ay qaadatay xornimada.

Khadka tareenka oo ay dhistay shirkad laga leeyahay Shiinaha ayaa waxaa lagu dhisay muddo seddax sano iyo bar gudahood.

Wajiga labaad ee dhismaha ayaa lagu wadaa in uu tareenkan ku xira Mombasa dalalka dersika la ah Kenya sida Suudaanta Koonfureed, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Burundi iyo Rwanda.

Safarka tareenka ee Nairobi ilaa iyo Mombasa wuxuu qaadanaya muddo afar saacadood ah, halka gawaarida rakaabka dadweynaha ay isla masaafadaasi ku qaadato ilaa iyo 12 saacadood. Tikidhada tareenka ayaa iyaguna la sheegay inay ka jaban yihiin kuwa basaska.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa xafladdii xariga looga jarayay tareenka ka sheegay in mashruucan uu yahay mid taariikhi ah.

Dowladdu waxay ku doodeysaa in khadkan cusub uu Kenya u soo jiidi doono maalgashi dibedda ah.

Xisbiyada mucaaradka ayaa dhinaca kale dhaleeceeyay kharashka badan ee ku baxay dhismaha tareeenka, waxayna ku doodayaan in faa'iidada dhaqaale ee mashruucan laga badbadiyay.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Kenya oo khad tareen oo casri ah