Masar oo duqeysay saldhigyo ku yaal Liibiya

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Hooyo dhashay mid aka mid ah dadka ku waxyeeloobay weerrarka lagu qaaday Masiixiyiinta Qibdhiyiinta oo joogta aas dadkaas loo sameeyay

Dowladda Masar ayaa waxa ay duqeyn dhanka cirka ah ku qaadday xeryo ay bariga Liibiya ku leeyihiin maleeshiyaad, iyadoo middaasi uga aargudanayso weerrar lagu qaaday bas siday masiixiyiin Qibdhiyiin ah, weerrarkaas oo ay ku dhinteen 28 qof oo ay carruur ku jiraan.

Milateriga ayaa sheegay in xeryahaas ay ka yimaadeen ragga weerrarkaas gaystay, howlgalkuna uu weli soconayo.

Jawaabta ay Masar ka bixisay weerarkii lagu laayay Masiixiyiinta baska saarnaa ayaa timid saacado gudahood, iyo ka hor inta aanay cidba sheegay mas'uuliyaddiisa.

Wararka laga helayo milateriga ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee Masar ay lix duqeyn u geysteen saldhig ku yaal meel u dhac magaalada Derna ee bariga Liibiya.

Saraakiisha Masar ayaa sheegay in ay hubiyeen in goobtaasi ay tahay halka lagu tababaray kooxda fulisay weerarka.

Ma aha markii ugu horreysay ee ay Masar duqeyso bartilmaameedyo ku yaal soohdinteeda galbeed.

Bishii Febraayo ee 2015, ayaa diyaaradaha dagaalka ee waddankaasi waxa ay duqeeyeen gudaha Liibiya, kaddib markii uu ururka la baxay Dowladda Islaamka baahiyay muuqaal muujinaya asagoo qoorta ka jaraya 21 Masiixiyiin ah oo u badan Qibdhiyiinta Masar.

Madaxweyne Cabdelfataax Al Sisi ayaa sheegay in Masar ay difaacayso shacabkeeda, oo aanay ka laba-labayn doonin in ay kooxaha dagaalka kula jiro ku weerarto meel kasta.

Dhanka kale caasimadda Liibiya ee Tripoli ayaa dagaal culus waxa uu ku dhexmaray maleeshiyaad iyo ciidamo daacad u ah dowladda ay Qaramada Midoobay baritaarto.