BBC oo booqatay xarunta dhaqan celinta mintidiinta ee Sucuudiga

The Prince Mohammed Bin Nayef Centre for Rehabilitation and Care

Iyaga oo ku safan teendho derbigeeda, kuna tiirsan barkimo la xardhay isla markaana lugaha ay uga xiran yihiin qalab koronto ku shaqeeyo oo dhaqdhaqaaqooda lagula soconayo ayaa sagaal nin oo maxaabiis ah oo ka tirsan ururka Al-Qaacida, una dhashay dalka Yemen waxaa ka muuqanaya xasilooni la`aan ba'an. Waxay marna fidinayaan marna laabayaan gacmahooda.

Inta badan, raggan oo aan la oggoleyn in sawir laga qaado ayaa muddo 15 sano ah noloshooda ku qaatay xabsiga Guantanamo Bay ee milatariga Mareykanku ku leeyahay dalka Cuba. Kuwii ugu dambeeyay ayaa halkan la keenay bishii Abriil ee sanadkan.

Raggan oo lagu soo qabtay dagaalladdii Afqaanistaan intii u dhaxeysay sanadihii 2001-dii ilaa 2007-dii, ayaa Mareykanka waxa uu hadba u wareejinayay xabsi ku yaalla dalka Sacuudiga, iyadoo halkan lagu dhaqan-celin doono ka hor inta aysan dib uga mid noqon bulshada iyagoo xor ah.

Haddaba waxaan weydiiyay waxa ay uga dhigan tahay booqashadii madaxweyne Trump ee Sucuudiga iyo khudbaddii uu uga hadlay Islaamka iyo sida loogu baahan yahay dulqaad diimeed ee ay ka daawadeen shaashadda? Way dhoolla-caddeeyeen midba midka kale ayuuna eegay.

"Ma ogi in uu daacad ahaa," ayuu yiri mid ka mid ah isagoo xabadkiisa taabanaya. "Qalbigiisa ayaan daalacan lahaa si aan u hubiyo inuu runta sheegayo!"

"Waxaa jiray erayo badan," waxaa sidaa yiri midkooda ugu da`da weyn, oo garkiisa caddaaday uu lalmado ilaa xabadkiisa, "balse waxaan ku xukmin doonnaa ficilladiisa."

Mid kale ayaa qaba aragti ah in Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo uu ka jiro maamul ka duwan kii George W Bush ee u diray xabsiga Guantanamo Bay.

Raggan la soo celiyay ee Yemeniyiinta ah waxay u muuqdeen kuwo aan jecleysan in la isugu geeyo xero, si ay ula kulmaan wafdigeenna ka kooban aqoon-yahanno reer-galbeed ah iyo weriyeyaal, ayna ilalinayaan shaqaale Sacuudiyaan ah.

Mid walba oo ka mid ah wuxuu aad ula socdaa in erayadooda si taxadar leh loola socdo oo haddii ay isku dayaan inay qalalaaso sameeyaan laga warqabo. Siideyntooda ayaa taasi ku xirnan tahay.

Xitaa marka maalintaas la sii deynayo ay timaaddo, waxaa keliya lagu sii dhex deyn doonaa magaalada Riyadh, maaddaama dalkooda Yemen uu ka socdo dagaal, waxaana dhammaan u fududaan doona in ay dib ugu noqdaan ururka Al-Qaacidada ee Gacanka Carbeed.

Maamulka Sacuudiga wuxuu aad u daneynayaa inuu dunida u muujiyo xaruntan dhaqan-celinta dagaalyahannada Al-Qaacidda ee loo yaqaan Xarunta La talinta iyo Daryeelka ee Boqor Mohammed Bin Nayef.

Xaruntan ayaa la aasaasay sanadkii 2004 kaddib weerarro ba`an oo ay Al-Qaacida ka geysteen dalka Sacuudiga, waxaa looga gol leeyahay inay noqoto meel u dhaxeysa xabsiga iyo bulshada xorta ah.

Inta badan maxaabiistu waa Sacuudiyiin, lagu xukumay xeerarka ka dhanka ah argagixisada ee dalkaasi. Waxay maxaabiistii hore xukunnada soo dhameystay u diyaarisaa nolosha bannaanka waxayna isku daydaa inay ka tirtirto afkaarta qalalaasaha iyo dagaaalka.

Marka ma tahay mid shaqeysay? inta badan haa.

Hadda ma jirto xarun dhaqan-celin oo tan oo kale ah guud ahaan dunida oo dhan, taasi oo ku hawlan in maxaabiis intaa la eg ay maskaxdooda ka nadiifiso falalka fowdada iyo dagaalka ku saleysan.

Sida laga soo xigtay shaqaalaha xaruntan, in ka badan 3,300 oo maxaabiis ah ayaa ka qalinjebiyay xaruntan tan iyo sanadkii 2005, kuwaasi oo ay ku jiraan 123 ku jiray xabsiga Guantanamo Bay. Qiimeynta guusha ay sheegeen in ay ka gaareen xaruntan, waa booqlkiiba 80% halka boqolkiiba 20% ay dib ugu laaban doonaan hawshoodi hore.

Maxaabiistu waxay ugu yaraan saddex bilood joogaan xaruntan, ka hor inta aan la qiimeyn inay diyara u yihiin in la sii daayo iyo inkale, waxaana barnaamijkooda guud ahaan u qaybsan yahay saddex qaybood:

"Ku soo dhowow barta saxaraha ku taala ee barwaaqada ah ee xikmadda," ayuu yiri Dr Hamid Al-Shayri, oo cilmiga bulshada ka bartay jaamacadda boqor Sacuud. "Tan waa meesha aan uga weecinno waddadoodii khaldaneyd, si aysan khatar ugu sii ahaan bulshada."

Wuxuu sheegay in shaqaalihiisu ay dhowr saacadood maalintii la fadhiistaan maxaabiista, balse wuxuu intaa raaciyay: "Ma aha howl fudud in dadka laga joojiyo naceybka bulshada iyo qoysaskooda."

Image caption Dr Bader Al-Razin oo ah khabiir dhanka farshaxanka ayaa sharaxaya muhiimadda farshaxanku u leeyahay raggan jihaadiga ah.

Farshaxanku door muhiim ah ayuu ku leeyahay dhaqan-celintooda, sida uu sheegay macallinkooda farshaxanka, Dr Badr Al-Razin.

Dr Badr Al-Razin wuxuu ii sheegay in marka ugu horreysa ee ay maxaabiistan yimaadaan xaruntan ay jecel yihiin in ay sawiraan hub, sawirro dagaal, oo aalaaba rinji guduud ah ay ku sawiraan, laakiin marba marka ka dambeysa muuqaalladoodu way sii noqonayeen kuwo caadi ah.

Culimada diinta ayaa mar walba diyaar ah, kuwaasi oo aqoon badan u leh Islaamka, iskuna daya inay ugu sharxaan sababta ujeeddooyinka iyo falalka dagaalyahannadu ay u yihiin xaaraan.

Marka sidee ayay arrintan u dhacdaa, waxaan weydiinnay Yemeniyiinta laga soo celiyay Guantanamo Bay, ma dareemayaan in ay bulshada dib ugu laabtaan muddo dheer kaddib?

"Waan is beddelnay," ayuu yiri kooda ugu da'da weyn. "Waxaan isku aragnaa shakhsiyaad cusub hadda, xaruntan ayaa ku mahadsan.

"Xaqiiq, waan neceb nahay dadkii nagu gaboodfalay inta aan ku jirnay Guantanamo Bay, balse barnaamijyada xaruntan dartood waxaan awoodnay inaan ka soo kabanno dareenkaasi. Walaaceygu wuuxu hadda yahay in bulshadu ay na aqbali weydo.

"Tan kalena, dunidu aad bey isku beddeshay intaan maqneyn, waxaa laga yaabaa inaan aqoonsan weyno."