Siddeed ruux oo ku dhimatay toogasho ka dhacday Maraykanka

Ninka laga shakisan yahay ayaa weriye deegaanka ah u sheegay "in uu ka xun yahay" waxa dhacay Lahaanshaha sawirka Therese Apel – The Clarion-Ledger
Image caption Ninka laga shakisan yahay ayaa weriye deegaanka ah u sheegay "in uu ka xun yahay" waxa dhacay

Rasaasayn habeennimadii ka dhacay gobolka Mississippi ee dalka Maraykanka ayaa horseeday in ay ku nafwaayaan siddeed ruux oo uu ka mid yahay taliye ku xigeenka deegaankaas, sida uu booliisku sheegay.

Toogashada ayaa ka dhacday saddex goobood oo kala duwan oo ka tirsan deegaanka Lincoln County ee koonfurta Mississippi.

Nin laga shakisan yahay oo warbaahinta dalkaasi ay magaciisa ku sheegtay Willie Cory Godbolt ayay booliisku xireen subaxnimadii Axadda.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in aysan wali sheegi karin waxa uu salka ku hayo dilkani.

Godbolt soddohdii, labo ruux oo ay qaraabo yihiin iyo William Durr oo taliye xigeen booliis ah ayaa maydkooda laga helay goobta ay rasaasayntii koobaad ka dhacday ee Bogue Chitto, sida ay wararku sheegayaan.

Rasaasaynta labaadna waxay ka dhacday Brookhaven halkaas oo laga helay maydka labo dumar ah oo da'yar, sida ay booliisku sheegeen.

Goobta saddexaad ee ay toogashadu ka dhacdayna waa Bariga Lincoln oo laga helay maydka nin iyo haweenay.

Lahaanshaha sawirka Therese Apel – The Clarion-Ledger
Image caption Saxafi deegaankaas ku sugan ayaa sheegay in dhacdadani ay tahay middii u xumayd ee waligeed ka dhacda deegaanka Lincoln.
Lahaanshaha sawirka The Daily Leader
Image caption Sawir horay looga qaaday William Durr oo ah sarkaalka booliiska ah ee la dilay