Sirdoonka Britain oo baaraya "digniintii" qaraxa Manchester

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Booliis hubaysan oo ku sugan Searby Rd, Gorton

Hay'adda sirdoonka ee Britain ee MI5 ayaa samaynaysa baaritaan la xiriira sida ay ku dhacday in ay tallaabo ka qaadi wayday digniino uga yimid dad weynaha oo tilmaamayey in uu halis ahaa Salman Abedi oo ah ninkii isku qarxiyay Manchester.

Saraakiisha MI5 ayaa qiray in laamaha ammaanka ay haatan dib u eegayaan go'aamadii laga qaatay wiilka 22 jirka ahaa ka hor inta aanu fulin weerarkii Isniintii hore dhacay oo ay ku dhinteen 22 ruux.

Waxaa dib laga ogaaday in hay'adaha ammaanka ugu yaraan saddex jeer lagu wargeliyey in wiilkaasi uu aaminsanaa fikrado xagjir ah.

Aroornimadii hore ee saaka oo Isniin ah ayay booliska degaanka West Sussex xireen nin 23 jir ah oo ay uga shakiyeen falal argigixiso.

Booliska Manchester ayaa sidoo kale sheegay in ay bixiyeen amar lagu soo baarayo guryo ku yaala degaanka Whalley Range oo ka tirsan Manchester.

Afar iyo toban nin ayaa ilaa iyo hadda su'aalo la waydiinayaa kuwaas oo lala xiriirinayo weerarkii dhacay Isniintii hore ee ay ku dhinteen toddobada carruur ah ee ka mid ahaa 22kii ruux ee dhintay.

Lahaanshaha sawirka Eddie Mitchell
Image caption Booliiska ayaa baaritaan ku sameeyay guryo subaxnimadii Isniinta
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Daqiiqad aamusnaan ah ayaa lagu xusay dadkii ku waxyeeloobay qaraxa ka hor intuu uusan billaabanin woradkii Great Manchester Run
Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Booliiska ayaa sidoo kale baaritaan ka sameeyay dhismeyaal ku yaalla deegaanka Moss Side ee magaalada Manchester

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan