Yemen: Boqolaal qof ayaa cudurka daacuun caloolaha ugu geeriyooday

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Boqolaal qof oo caruur ayaa cudurka daacuunka la ildaran

Tirada dhimashada dadka u dhintay cudurka daacuun caloolaha ee ka dilaacay wadanka Yemen ayaa kor u kacday iyado gaartay in ka badan 470 qof.

Laakiin hay'adda caafimaadka aduunka WHO waxay sheegtay inay jirto hoos u dhac wayn oo la xiriirta celceliska xaaladdaha cusub ee cudurka ee la soo wariyey.

Saameynta dagaalka sokeeye ee dalka Yemen ayaa ka dhigay mid aad u adag in la xakameeyo cudurka faafitaankiisa, in ka badan kala bar adeegyadii caafimaad ee dalka ayaa hawlgab noqday, iyadoo malaayiin qof ay la diifaysan yihiin ayna u nugul yihiin cudurka iyadoo xisaabta ay ku jirto cunto yarida aadka u ba'an.

Lahaanshaha sawirka Reuters