Kenya oo khad tareen oo casri ah
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kenya oo samaysatay khad tareen oo casri ah

Waxa saacado yar oo keli ahi ka hadhsanyihiin xadhig ka jaridda tareen iyo dhabbihiisa cusub oo ka mid ah mashriicda ugu waaweyn ee laga hirgaliyey dalalka ku yaal Bariga Afrika, ayaa waxa u suurto gashay BBC-da in ay booqato xarunta tareenkaasi ka dhaqaaqi doono oo ku taal magaalada Mombasa oo madaxweyne Kenyatta goob joog ka ahaan doono.

Tareenkan casriga ahi wuxuu safarkiisii koowaad ugu ambabixi doono caasimadda dalka ee Nairobi, waxaana aad loo adkeeyey nabad gelyada magaalada Mombasa iyo deegaannada ku hareeraysan.

Ciise Xaaji Cabdille oo ka mid ah weriyeyaasha BBC-da ee goobtaa booqday ayaa warbixintan nooga soo diray magaalada Mombasa.