Saynisyahanno sameeyay Antibiyootig cusub

Caabuq Lahaanshaha sawirka SPL

Saynisyahanno Maraykan ah ayaa sheegay in ay sameeyeen nooc cusub oo antibiyootig ah oo nolosha badbaadinaya.

Waxay sheegeen in samayntani ay kor u qaadi doono dagaalka ay kula jiraan caabuqa u adkeysta dawada antibiotic, kaas oo ah mid ka mid ah khatarta ugu wayn ee ku soo fool leh caafimaadka adduunka.

Baarayaasha dalka Maraykanaku waxay dib u habeeyeen dawadii sii jirtay ee Vancomycin taas oo ay ka dhigeen mid ka xoog badan kun jeer.

Waxay jeermiska ka weerareeysaa sedex jiho oo kala duwan taas oo yaraynaysa in uu adkauso u yeesho ama dib u xoogaysto caabuqu.

Nin ka mid ah saynisyahannada ayaa BBC-da u sheegay in uu rajaynayo in dawadan cusub lagu diyaarin doono muddo shan sano gudaheed ah si loo adeegsado.

Vancomycin ayaa luminaysa awoodii ay u lahayd in ay dawayso caabuqyada guud ee ku dhaca kaadimareennada iyo boogaha.

U adkeeysiga antibiotics waxaa loo maleeynayaa in ay sababto 50,000 oo dhimasho ah sanadkiiba Maraykanka iyo Yurub.

Xanuunnada u adkaysta dawooyinka antibiyootigga ayaa loo malaynayaa in sannadkaste u dhintaan 50,000 oo bukaan oo ku sugan Maraykanka iyo Yurub.