Dawladda oo faahfaahin ka bixisay diyaaraddii ku dhacday Muqdisho
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dawladda oo faahfaahin ka bixisay diyaaraddii ku dhacday Muqdisho

Kadib markii diyaarad yar ay si deg deg ah ugu dagtay dhabaha diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka Muqdisho markii ay luguhu u bixi waayeen isla markaana ay caloosha dhigatay, ayaa keentay inay istaagaan dhammaan duulimaadyadii garoonka Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ma jirto cid wax ku noqotay shilkaasi, wuxuuse burbur soo gaaray diyaaradda.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Aadan ayaa taleefanka kula hadlay Maareeye kuxigeenka hay'adda duulista iyo saadaasha hawada ee Soomaaliya Axmed Macalin, wuxuuna marka hore weydiiyay sida uu shilka diyaaraddu u dhacay.