'Suuriyaan qarxin rabay Baarliin oo la qabtay'

Wiilka yar ayaa lagu eedeeyay in uu qarxin rabay magaalada Baarliin Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Wiilka yar ayaa lagu eedeeyay in uu qarxin rabay magaalada Baarliin

Booliiska dalka Jermalka ayaa xiray wiil yar oo Suuriyaan ah oo qorshaynayay weerar is qarxin ah oo uu ku fulin lahaa magaalada Baarliin.

Wiilka laga shakisan yahay oo 17 jir ah ayaa laga xiray Uckermark oo ka tirsan degmada Brandenburg sida uu shaaciyay Karl Heinz Schröter oo ah wasiirka arrimaha gudaha.

Wali lama shaacinin magaca wiilka lagu eedeeyay in uu weerarka gaysan rabay, booliiskuse waxay sheegeen oo kali ah in uu Jermalka tagay 2015kii uuna magangalyo waydiistay.

Wiilkan yar ee Suuriyaanka ah ayaa la xiray ka dib markii booliiska loo diray digniin sida ay booliisku ku soo qoreen Twitterka.

Bishii 12 ee sannadkii hore qof jihaad doon ah ayaa suuq dadka masiixiyiinta ah ay ka adeegtaan ku dilay 12 ruux isaga oo baabuur dul mariyay.

Weerarkaas oo uu gaystay Anis Amri ayaa dhaliyay dhaleecayn xoogleh oo loo soo jeediyay laamaaha ammaanka sababtuna waxay ahayd sida ay ugu suuragashay in ninka weerarkaas gaystay uu baxsado isaga oo xudduudaha Yurub siimaray, inkastoo markii dambe ay dileen booliiska dalka Talyaanigu.

Wiilka laga shakisan yahay hadda ayaa ku noolaa guri lagu hayo qaxootiga aan qaangaarka ahayn ee waalidkood aysan wehelinin tan iyo sannadkii 2016kii, hadda ka horna booloosku kama aysan shakiyin.

Hadda su'aalo ayaa la waydiinayaa, waaxda dambi baarista ayaana baaraysa gurigiisa sida uu sheegay booliiska Brandenburg.

Hawlgallo ayaa socda ayayna booliisku sii raaciyeen.