80 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay dalka Afqaanistaan

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Inta badan dadka dhintay waxaa la sheegay inay ahaayeen dad rayid ah

Ugu yaraan 80 qof ayaa ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay caasimadda Afqaanistaan ee Kaabuul.Qaraxa oo dhacay saaka aroornimadii ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

In kabadan 350 qof ayaa sidoo kale ku dhaawacantay weerarkaasi.

BBC-da ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in darwal u shaqeynayay hay'adda Maxamed Nazir uu ku dhintay qaraxaasi. Afar qof oo kale oo BBC-da u shaqeyneysay ayaa ka mid ahaa dadki ku dhaawacmay qaraxaasi.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob aad loo ilaaliyo oo ay ku yaalaan safaarado shisheeye.

Dhismaha safaaradda dalka Faransiiska ayuu qaraxaasi waxyeello soo gaarsiiyay.

Ilaa iyo haatan ma cadda cidda rasmiyan ka dambeysay weerarkaasi, balse Taalibaan iyo kooxda la baxay Dowladda Islaamka ayaa labaduba kal hore weerarro ka geystay magaaladaasi.

Lahaanshaha sawirka Reuters

Bishii la soo dhaafay ayaa kooxda Taalibaan waxay ku dhawaaqday in xilliga gu'ga ay billaabeyso guluf colaadeed oo cusub, kaa oo lagu bartilmaameedsan doono xoogagga ajaaniibta.

Kooxda la baxday Dowladda Islaamka ayaa sidoo kale kal hore weerar ka geysatay qaybo ka mid ah magaalda Kaabuul.

Kooxda Taalibaan ayaa sheegtay inaysan ku lug lahayn qaraxaasi oo aan wali acddeyn sida lagu geliyay goobtaasi oo si aad ah loo ilaaliyo.