'Yemen waxay qarka u saarantahay inay burburto'

A cholera-infected Yemeni woman receives treatment at a hospital amid cholera outbreak in Sanaa, Yemen, 28 May 2017. Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Daacun iyo cunto la'aan ayaa uga sii daray xaaladda Yemen

UN: Yaman waxay la silci doontaa macluul sanadkan 2017-ka

Madaxa Qaramada Midoobay u qaailsan arrimaha bin'aadannimada ayaa sheegay in in dalka Yaman uu wajahayo burbur bulsho iyo mid dhaqaale .

Stephen O'Brien ayaa u sheegay xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay "in loo baahan yahay tillaabo degdeg ah in la qaado si wax looga qabto dhibaatada taagan.

In ka badan labo sano oo dagaal sokeeye ah ayaa wax ay dalkaasi u horseeday dhibaato bina'aadannimo ,waxaana xaalad macaluul qarka u saaran ku dhawaad 7 milyan oo qof.

Cudurka daacuunka oo halkaasi dib uga dillaacay ayaa sababay 60,000 oo kiis oo hor leh tan iyo billowgii bishii April. Ilaa iyo 500 oo qof ayaa u dhimatay cudurkaasi ilaa iyo hadda.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Xoogagga dowladda oo ku sugan meel u dhaw Taacis

Mr O'Brien ayaa waxa uu sheegay in dhibaatada haysata dadka ree Yaman aysan ahayn mid iska timid balse ay ka dhalatay qaladaadka dadka ku lugta leh dhibaatada iyo beesha caalamka oo aan qaadin taallaabooyinkii loo baahnaa.

"Dadka reer Yaman waxaa lala bartilmaameedsaday dhibaato ,cudurro iyo dhimasho iyada oo caalamkana ay daawanayaan", ayuu yiri O'Brien. Wuxuuna intaasi ku daray, "dhibaatada ma aha mid soo socota,ma aha wax soo ifbaxaya ee waa mid maanta taagan oo aan arkayno."

Labadii sano ee ugu dambysay ayaa waxaa dalka Yaman ka socday dagaal u dhexeeyay xoogagga daacad u ah madaxwaynaha dibad jooga ah ee Cabdrabbuh Mansour Hadi, oo ay taageeraan xulafada uu Sacuudiga hogaaminayo iyo xoogagga mucaaradka Xuutiyiinta.

Ururka Al-Qaacidda, ayaa dhanka kale ka faa'idaystay qalalaasaha Yaman waxa uuna sii xoojiyay joogitaankooda Koonfurta iyo Koonfur bari ee dalkaasi.

Ugu yaraan 7,800 oo qof oo intooda badan ay rayid yihiin ayaa ku dhintay dagaalka Yaman halka 44,000 oo kale ay ku dhawacmeen tan iyo bishii o March 2015, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay .

Dad lagu qiyaasay 18.8 milyan oo ku sugan dalkaasi Yaman ayaa u baahan gargaar bina'aadannimo.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Saameynta collaada Yemen ay ku yeelatay carruurta

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan