In ka badan 40 muhaajiriin ah oo oon ugu dhamaaday Saxaraha

Muhaajiriin badan ayaa safar khatar badan u bareero si ay nolol wanaagsan Yurub uga helaan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Muhaajiriin badan ayaa safar khatar badan u bareero si ay nolol wanaagsan Yurub uga helaan

Dad ka badan 40 qof ayaa loo malaynayaa inay oon iyo haraad ugu dhinteen saxaraha dalka Niger ka dib markii uu ciladoobay gaarigii ay ku safrayeen.

Lix qof oo ka badbaaday oo dhammantood dumar ah ayaa gaaray tuullo deegaankaasi u dhow, waxyna sheegeen inay dhinteen 44 qof oo iyaga la socday.

Waxay sheegeen in carruuri ay ka mid ahayeen dadkii dhintay.

Dadkan oo u dhashay dalalka Ghana iyo Nigeria ayaa la sheegay inay u socdeen Liibiya si ay ugu sii tallaabaan Yurub.

Markii uu gaariga ka hallaabay ayaa waxay ay ku xayirmay dhul lama degaan ah oo ku yaalla Waqooyiga dalka Niger.

Muhaajiriinta Afrikaanka ah waxaa lagu 'iibiyaa suuqyada addoonsiga'

Mas'uul u hadlay hay'adda Laanqeyrta Cas ayaa sheegay inuu baaritaan socdo lana baadigoobayo maydadka dadkan.

Sanadkii la soo dhaafay bishii June 34 muhaajiriin ah oo 20 ka mid ah ay carruur ahaayeen ayaa maydadkooda laga hellay saxaraha xuduudda Algeria.

Sida wasiir dowladda ka tirsan uu sheegay dadkan waxay u dhinteen oon iyo harraad ka dib markii muqalasiintii waday ay halkaasi ku daadiyeen oo ay uga tageen.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dhibaatada Tahriibka iyo maansadii Xabsi Tahriib