Obama oo guri ka gatay Washington DC

Moving trucks outside the Obama's home in late January, as he left office Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption gaari xamuul ah oo marayo dibaedda Guriga Obama dabaayqaadii bishii Januray markii uu Obama xafiiska baneeyay

Qoyska madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama, ayaa gatay gurigii ay kirada ugu jireen ee caasimadda Washington DC.

Guriga oo ah filo ka kooban 9 qol oo jiif ah, ayaa ku yaalla deegaanka dadka maalqabeenka ah ay degaan ee Kalorama, waxaana lagu iibiyay 8.1 milyan oo dollar.

Qoyska ayaa raba in uu sii degannaado Washington, ilaa iyo inta gura-dambeystooda Sasha oo hadda 15 jir ah, ay ka dhamaynayso dugsiga sare.

Obama iyo xaaskiisa ayaa tan iyo markii ay ka baxeen Aqalka Cad, waxa ay safar ku mareen qeybo badan oo caalamka ah.

Kevin Lewis, oo ah afhayeenka Obama ayaa xaqiijiyay gadashada guriga, asagoo sheegay in "maadaama uu qoyska Washington sii degannaanayo ilaa laba sano iyo bar dheeraad ah, ay u arkeen in iibsiga uu uga wanaagsan yahay bixinta kirada."

Gabdhaha Bush oo waraaq u qoray gabdhaha Obama

Guriga ayaa waxaa ku wareegsan xeyndaab dadweynaha looga ilaalinayo, waxaana waardiyo joogta ah ka haya ciidanka ilaalada madaxtooyada ee loo yaqaanno Secret Service.

Qoyska Obama oo guri ku leh Chicago, ayaa gurigan cusub ka iibsaday Joe Lockhart oo ahaa xoghayihii warfaafinta ee Bill Clinton, kaasoo sanadkii 2014 kula wareegay lacag dhan 5.3 milyan oo dollar.

Guriga reer Obama kama fogo guriga milkiilaha shirkadda Amazoneff Bezos, oo isna gurigiisa ku gatay $23 milyan oo doolar.

Waxaa sidoo kale ay daris yihiin gabadha madaxweynaha Mareykanka Ivanka Trump iyo ninkeeda Jared Kushner.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa sidoo kale xaafadaas Kalorama ka gatay guri uu ka bixiyay $5.6 milyan bishii February.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Maxaa lagu xasuusan doonaa Obama