Tirada dadka uu shubanku dilo ee adduunka oo hoos u dhacday

Hindiya ayaa ka mid ah dalalka uu shubanku ku laayo dadka badan Lahaanshaha sawirka .
Image caption Hindiya ayaa ka mid ah dalalka uu shubanku ku laayo dadka badan

Carruurta dunida ugu dhimata shubanka ayaa hoos u dhacday saddex meeloodoow meel intii u dhaxaysay 2005tii ilaa 2015kii, sida ay ogaadeen cilmibaareyaal.

Cilmi baarista Lancet ayaa lagu sheegay in helitaanka biyaha nadiifta ah oo sare loo qaaday in ay kaalin lixaad leh ka qaadatay arrintaas , sidoo kalena ay hoos u dhaceen carruurta tabarta daran iyo kuwa nafaqo darrada ah ee shubanku uu ku dhaco.

Tallaal cusub oo la sameeyay ayaa sidoo kale saamayn wanaagsan yeeshay.

Si kastaba ha ahaatee shubanka ayaa wali ah xannuunka afraad ee dilka ugu badan u gaysta carruurta adduunka, iyadoo carruur ku dhaw 500,000 ay sannad walbe dhintaan inta aysan sannad gaarin.

Tiradan ayaa laga yaaabaa in aad hoos loogu dhigay sababtuna ay tahay in aan macluumaad laga haynin dalalka Saxaraha Afrika ka hooseeya oo ay carruurta ugu badan xannuunkani ku dilo.

Shubannadii dhacay 2015kii

  • 2.39 bilyan oo shuban ayaa dhacay
  • Ku dhawaad kala bar (957.5 milyan) oo ka mid ah carruur ayuu ku dhacay
  • 1.3 milyan oo ruux ayaa u dhimatay
  • Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa 499,000 oo carruur ah
  • Dalalka ay tirada ugu badan ku dhinteen waxay kala ahaayeen Chad iyo Niger

Xigasho: Lancet

Hay'adda Caafimaadka Adduunka: Shuban