Brazil oo qabatay hub si sharci darro ah looga keenay Maraykanka

Booliiska ayaa soo bandhigay hubkan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Booliiska ayaa soo bandhigay hubkan

Booliiska dalka Brazil ayaa qabtay 60 qori oo lagu soo qariyay qalabka lagu kululeeyo biyaha ku jira baraagaha lagu dabaasho oo laga keenay magaalada Miami ee dalka Maraykanka.

Hubkan oo ay ka mid yihiin 45 qori oo noocoodu yahay AK-47 ayaa laga helay qaybta ay diyaaradaha xammuulku adeegsadaan ee garoonka caalamiga ah ee Galeao oo ku yaalla magaalada Rio de Janeiro.

Afar ruux ayaa la xiray sida ay booliisku sheegeen.

Waa mid ka mid ah hubkii ugu badnaa ee la qabto taariikhda Brazil, sida ay ku warramayso warbaahinta dawladdu.

Masuuliyiinta ayaa baahiyay sawirrada qoryaha iyo sawir raajo oo muujinaya qoryaha oo ku dhex duuduuban qalabka lagu kululeeyo biyaha ku jira baraagaha lagu dabaasho.

Waxaa la rumaysan yahay in qoryahaas qiimahoodu uu noqon lahaa 1.5 milyan oo doolar marka la isu geeyo.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qoryaha ayaa lagu duuduubay baco ka dibna la dhex galiyay haamo

Baareyaasha ayaa ku dabo jira ciddii ka soo dhoofisay Maraykanka, sida uu ku warramay wargayska Globo.

Laamaha ammaanka ee dalka Brazil ayaa la daalaa dhacaya in ay hor istaagaan hubka galaya gacmaha budhcadda ka ganacsata darooga iyo malayshiyaadka maamula qaybaha ay danyartu ka dagaan magaalooyinka waawayn.