Trump oo doodii xayiraada socdaalka u gudbiyay maxkamadda ugu sareysa US

People protest outside 9th US Circuit Court of Appeals over US President Donald Trump's revised travel ban in Seattle, Washington on May 15, 2017 Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption The ban has triggered protests across the US

Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ayaa ka dalbaday maxkamadda ugu sareysa dalkaasi inay dib u soo celiso xayiraadii socdaalka ee uu madaxweyne Trump ku soo rogay qaar ka mid ah dalalka Muslimiinta.

Xayiraadasi ayaa waxaa meesha ka saaray maxkamadaha hoose ee dalka Mareykanka oo ku tilmaamay in ammarkaasi uu ahaa mid si gooni ah u takoorayay Muslimiinta.

Xukumadda Trump ayaa maxkamadda ugu sareysa ka dalbatay inay buriso go'aannada ay maxkmadaha hoose ee Mareykanka ku horjoogsadeen amarkiisa.

Xayiraadaasi ayaa sababtay muran badan iyo muddaaharaadyo ka dhacay gudaha Mareykanka.

"Waxaan ka dalbanay maxkamadda sare inay dhageysato kiiskan muhiimka ah waana ku kalsoonahay in amarka madaxweyne Trump uu waafqasan yahay qeynuunka u yaalla dalka. Waxaana looga gol leeyahay in lagu ilaaliyo badqabka dalka loogana hortago in argagixiso ay dalka soo gasho", ayay tiri, Sarah Isgur Flores, afhayeen u hadashay Waaxda Arrimaha Caddaaladda.

Maxkamadda ayaa go'aan ka gaari doonto inay dhageysan doonto dacwaddan iyo in kale. Haddii ay guda gasho inay dhageysato, waxay qaadan kartaa ilaa iyo bish October ka hor inta aysan go'aan gaarin.

Amarka ayaa dhigayay in muddo 90 cisho ah aan dal ku gal la siin karin muwaadhiniinta dalalka kala ah: Soomaaliya, Suuriya, Liibiya, Sudan, Yemen iyo Iran. Waxa uu sidoo kale muddo 120 cisho ah mamnuucayaa dhammaan qaxootiga.

Dalka Ciraaq oo markii hore todobo ku ahaa dalalkan ayaa liiska laga saaray, ka dib markii uu ogolaaday in muwaadhiniintiisa dooneysa in ay galaan Maraykanka lagu soo rogo baaritaan dheeraad ah.

Sacuudiga oo taageeray xayiraadda socdaalka ee Trump

Gobollo kale oo ku biiray dacwadda lagu diidan yahay xayiraadda Trump

Xaakim mar kale is hortaagay xayiraadda socdaalka ee Trump