Doodda Jimcaha ee Waxay ila tahay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Barnaamijka Doodda Jimcaha oo looga dooday qorshaha amaanka & hub ka dhigista Muqdisho

Barnaamijka Doodda Jimcaha ee waxaa looga dooday hawlgalada dawladda Soomaaliya ay ka wado Muqdisho loo bixiyey Xasillinta Muqdisho oo ammaan iyo dhaliilaba laga soo jeedinayao, golaha wasiiradda ayaa dhawaan go'aamiyey qorshan xasilinta Xamar, Waxaa dooda galabta ka qayb galaya oo marti ku ahaa oo ka qayb qaatay.

  • Maxamed Cabdi Yuusuf oo soo noqday Ra'isalwasaraha Soomaaliya, isla markaana muddo dheer ahaa xildhibaan
  • Xildhibaan Maxamed-Amiin oo ah Senator ka mid ah aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya.
  • Prof. Axmed Muumin Warfaa oo ah aqoonyahan kala soo shaqeeyey hawlgalkii UNOSOM ee dibu heshiisiinta.
  • Col. Axmed Warsame Xaashi oo ah qabiir arrimaha amaanka Soomaaliya, kana mid ahaa ciidamaddii xoogga dalka ee Soomaaliya.

Doodda waxaa u qaybinaya Mowliid Xaaji Cabdi.