Mareykanka oo Beijing uga digay jasiiradaha Koonfurta Badda Shiinaha

Shiinaha ayaa ka mid ah dhowr dal oo sheeganaya qeybo ka mid ah Koonfurta Badda Shiinaha Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Shiinaha ayaa ka mid ah dhowr dal oo sheeganaya qeybo ka mid ah Koonfurta Badda Shiinaha

Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka, James Mattis, ayaa ka digay in dalkiisa uusan aqbali doonin in Shiinuhu uu goob milateri ka dhigo jasiiradaha gacan ku sameyska ah ee Koonfurta Badda Shiinaha.

Isagoo ka hadlayay shir dhanka ammaanka ah oo ka socda Singapore, ayuu sheegay Mattis in tallaabooyinka noocaas ah ay waxyeelaynayaan deganaanshaha gobolka.

Dhulka uu Shiinaha sheeganayo ee kheyraadka qaniga ku ah ayaa waxaa ku loolamaya dhowr dal oo aagaas ku yaal.

Janaraal Mattis ayaa yiri: "Waxaannu ka soo horjeednaa dalalka goob milateri ka dhigaya jasiiradahan gacan ku sameyska ah iyo xoog ku dhangelinta sheegashada badda xad dhaafka ah."

"Ma aqbali karno mana aqbali doonno in cid goonni ah ay xoog ku badesho xaaladda haatan taagan." Ayuu raaciyay Janaraal Mattis.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Janaraal Mattis ayaa u muuqdo inuu ku celinayo hadalkii ahaa in Mareykanku uusan dhabarka u jeedinayn Aasiya

Madaxweyne Donald Trump iyo saraakiisha sarsare ee Mareykanka ayaa si joogta ah u sheegayay in ay ilaalin doonaan danahooda Koonfurta Badda Shiinaha, halkaasi oo marin muhiim ah u ah maraakiibta.

Mar ay arrintan ka jawaabaysay wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa waxa ay sheegtay in Beijing ay "ka go'an tahay inay difaacdo xaqeeda gobolka."

Dhanka kale Janaraal Mattis ayaa Beijing ku amaanay dadaalada ay wado ee lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqyada gantaalada iyo nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi.

Hadalkiisa ayaa yimid wax yar un kaddib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ballaariyay cunaqabateynta ka dhanka ah Kuuriyada Waqooyi ee loogaga jawaabayo tijaabooyinka gantaalada xiriirka ah ee ay sanadkan sameysay.

Golaha ayaa si aan kalahar lahayn ugu codeeyay in cunaqabateyn la soo rogo kaddib todobaadyo ay wadahadallo u socdeen Mareykanka iyo Shiinaha.