Saldhigyada ciidammada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee Kulbiyow oo la weerraray

Cidammada Milateriga Kenya ee qeybta ka ah Amisom Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Cidammada Milateriga Kenya ee qeybta ka ah Amisom

Wararka laga helayo Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday saldhigyo ciidan oo ay leeyihiin ciidammada Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo ku yaal bannaanka magaalada Kulbiyow.

Dhawr qarax ayaa laga maqlay saldhigaasi, ciidammada Kenya ayaa sheegay inay weerrarkaasi uga jawaabeen madaafiicda culus.

Horraantii sannadkan tobonnaan ciidammada Kenya ah ayaa la dilay kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan xooggaga Islaamiga ah ee Al-Shabaab ay guluf weerar ku ekeeyeen saldhigaas.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerrarkan maadaama ay weli go'an tahay isgaarsiinta deegaankaasi Kulbiyow.

Halkan ayaannu idinkugu soo gudbin doonnaa wixii faafaahin intaa dheer ee warkan ku soo kordha.