Xaaladda shuban-biyoodka Soomaaliya oo ka sii dareysa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaaladda shuban-biyoodka Soomaaliya oo ka sii dareysa

Waxaa kordhay tirada kiisaska cudurka shuban-biyoodka ee dhawaan ka dillaacay inta badan gobollada Soomaaliya.

Roobabka gu`ga ee ka da`ay qeybo ka mid ah dalka ayaa uga sii daray xaaladda, sida ay sheegeyso wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda ayaa sheegtay in ay waddo dedaallo lagu yareynayo faafitaanka cudurkaasi oo burbaba dad badan soo ritay.

Dr. Cabdullaahi Xaashi Cali oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ayaa xaaladda xanuunkaasi uga warramay weriyaha BBC Faadumo Macallin Abuukar.