Labo iyo labaatan ruux oo ku dhimatay shil bas oo ka dhacay Hindiya

Khariidad

Ugu yaraan 22 ruux ayaa dhimatay ka dib markii bas ay ku safrayeen uu ku dhacay gaadhi kale oo marayay gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya.

Shilkan ayaa wakhti hore oo Isniintan ah ka dhacay magaalada Bareilly oo 251km u jirta caasimadda Lucknow.

Sarkaal sare oo booliis ah ayaa sheegay in 22ka ruux ee geeriyooday ay si xun u burbureen ayna adagtahay in isla markiiba la aqoonsado.

Baskan ayuu dab qabsaday ka dib markii ay gaariga kale isku dhaceen, booliiska ayaa baadigoobaya darawalkii gaariga xamuulka ah ee ay baska isku dhaceen.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa soo xigatay booliis sheegaya in albaabadii basku ay isku dhageen ka dib markii uu shilku dhacay dadkiina ay ku dhex xannibmeen.

Dad aan badnayn ayay u suurtagashay in ay baxsadaan ka dib markii ay jajabiyeen daaqadihii gaadhiga.

Afhayeenka guud ee booliiska gobolka Uttar Pradesh, Rahul Srivastav, ayaa sheegay in ay baska saarnaayeen 41 ruux, kuwa ku dhaawacmayna loola cararay isbitaal.

Qaar baddan oo ka mid ah ayay xaaladoodu halis tahay, saraakiishuna waxay ka digayaan in ay dhimashadu intan ka sii badan karto.

Hindiya ayay ka dhacdaa dhimashada ugu badan adduunka ee la xiriirta shilalka wadooyinka, afartii daqiiqo ee kastana waxaa ka dhaca shil.

Shilalka baddan kood waxaa lagu eedeeyaa qayrumasuulnimo ay sameeyaan darawallada gawaadhida, jidad xumo iyo gawaadhi aad u duqoobay.