'Gacan ka hadal dhexmaray ilaalada hogaamiyeyaasha Israa'iil iyo Togo'

Netanyahu ayaa sheegay in Israa'iil ay Afrika ku soo laabatay "iyadoo miisaan leh" Lahaanshaha sawirka EPA

Kulan ay wada qaadan lahaayeen Ra'iisalwasaaraha Israa'iil Minister Benjamin Netanyahu iyo madaxweynaha Togo, Faure Gnassingbé ayaa dib loo dhigay ka dib markii uu muran dhexmaray ilaaladii ay kala wateen, sida uu ku warramay Times of Israel.

Website-kan ayaa sheegay in is "jiijiid iyo gacan qaad uu dhex maray" ka dib markii mid ka mid ah ilaalada Israa'iil uu u diiday kuwii Togo in ay gudaha u galaan kulan ay labada masuul ku wada yeelan lahaayeen magaalada Monrovia oo xarun u ah dalka Liberia Sabtidii.

Gnassingbé iyo Netanyahu ayaa ka qaybgalayay shir ay lahaayeen urur goboleedka Galbeedka Afrika ee Ecowas.

Netanyahu ayaa ammaanay ka qaybqaadashada shirka Ecowas isaga oo ku tilmaamay mid taariikhi ah.

The Jerusalem Post ayaa Netanyahu ka soo xigatay isaga oo leh

"Waa markii koobaad ee ururka Ecowas uu shirkooda ku casuumo masuul ka socda dal ka baxsan qaaradda Afrika.

Aad ayaan uga mahadcelinayaa. Israa'iil Afrika ayay ku soo laabatay iyada oo miisaan leh," The Jerusalem Post ayaa sidaas ka soo xigtay Netanyahu.