Dhowr qof oo loo soo qabtay weerarkii London

London Lahaanshaha sawirka EPA

Booliska dalka Britain ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah loo daadgureeyay qaybaha kala duwan ee London xilli ay socdaan baaritaannada weerarkii sabtidii dhacay ee ay ku dhinteen toddobo qof, ku dhawaad 50 kalana ay ku dhaawacmeen.

Jidgooyooyiin ayaa sidoo kale ciidamada ammaanka ka sameeyeen qaar ka mid ah buundooyiinka ku yaala bartamaha London.

Booliska ayaa sidoo kale xalay baaritaanno kale ka fuliyay labo goob oo kale oo ku yaala London islamarkana waxaa la xiray dhowr qof iyada oo horay ay xabsiga ugu jiren 11 qof.

Baarayaasha ayaa imika isku dayaya in ay ogaadaan in ay jirtay cid gacan ku siisay saddexdii nin ee gaariga jiirsiiyay dad waddooyiinka marayay ka hor inta aysan tooreey la dhicin dhowr qof.

Waxa ay sheegeen in ay rumaysan yihiin in ay yaqaanaa heybta saddexda nin ee danbiyada gaysatay islamarkana ay sida ugu dhaqsiyaha badan magacyadooda shaaca uga qaadi doonaan.